LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dadka qaar markay fashilmaan


Dadka qaar markay fashilmaan waxay eedeeyaan cid aan shaqo ku lahayn fashilkooda, waxaa arkee qof ku leh jaamacad fiican kama soo bixin, faculty fiican ma dooran, shaqadan waa nacay, mushaar fiican ma qaati, maamulaha aniguu ineceb yahay, dalkaan hormar maleh, walaal fiican ma qabo, waalidkay iima doorin jaamacad fiican, waxaas oo dhan waa marmarsiyo, adiga ayaa wax kasta qabsan kara guushaada adaa leh, guul darradaada adaa ka masuul ah. 

Naftaada eed, qofna ha eedin, sheekadan waxaa ku keenay nin baa comment ii soo qoray, wuxu yiri hal sanaa kula socdaa walina ma fahmin Online Business-ka, waxaan is waydiiyay qof xanuunsan miyaa ? Sidee baadan hal sano waxaa waqti gelisay u baran karin? Mise qofkaas ayaana waxa si dhugmo leh u raacin ee sida filin hindi ah inta u daawaday ka gudbay? Waxaan is waydiiyay maxay intaas oo qof wax uga barteen YouTube keyga ee isaga faciis ka reebay? Aniguse waajib miyay igu tahay inuu isaga wax fahmo? Dabcan waa Maya hadaa rabo dhammaan muuqaallada ku jira YouTube waa iska tiraa, hadaa rabo private baan ka dhigan karaa, midda kale meeqa qofaa aniga iga aqoon badanaa YouTube ku jirta? Xaa ikaa ag dhigay hadii aadan aniga ifahmin? walaalkey qofna ha eedin, naftaada caawi, ma jirto qof kuugu soo gurman doona inuu ku badbaadiyo hadii aadan adiga is badbaadin, noloshuna kama soo harto halgan, hal ku dhiggeyga ayaaba ah sida WhatsApp keyga ku qoran, Dad wuxuu isku dhaafay dadaal, waa ku caawin karaa lkn dadaal kaaga ayay guushu ku xiran tahay


Adduun waa waxaa tacbato
Aakhirana waa camalkaaga 🙏

Ibrahim Mohamed ali 

Post a Comment

0 Comments