Waxa ay dhaheen, "Ku noolow meesha qalbigaagu ku xasilayo," markaa ayey qoraalka background uga dhigeen Simba, iyo saaxiibbadiis Timon iyo Pumbaa.
Falsafadda halkaas ku jirtaa, waa in qofku ka cararo masuuliyaddiisa, oo uu sameeyo wixii uu farxad ku dareemayo!
In aad ku noolaatid nolol macna leh, oo adag, iyo in aad ku noolaatid nolol macne la'aan ah oo fudud, midkee ayaa sharaf badan?
Haddiise uu qofku dabeecad ka dhigto, aragtida Timon iyo Pumbaa, ee "Hakuna Matata (dhibaato ma jirto)," oo uu culays walba indhaha ka qarsado, wakhti intee le'eg ayaa uu nolol riwaayad ah, oo bilaa feker ah ku jiri karaa?
0 Comments